TOOS U DHAGEYSO:- Xubno Al-Shabaab ka tirsan Shir u fadhiyay oo la duqeeyay

0

Cabdi Cali Qoorleex oo ah Gudoomiyaha deegaanka Ceel-cade ee maamulka gobolka Gedo oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Duqeynta ka dhacday deegaankaasi in lagu beegsaday Saddex goobood oo ay ku sugnaayeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Waxa uu sheegay ujeedada ka dambeysa Duqeynta in ay aheyd goob ay ku shirayeen xubno ka tirsan Shabaab in lala beegsaday.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel-cade ee maamulka gobolka Gedo Cabdi Cali Qoorleex oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uusan garaneyn Diyaaradaha Dagaalka ee Duqeymahan fuliyay isaga oo sheegay in Diyaaradaha Kenya aysan aheyn.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Dowlado kale oo la dagaalsan Shabaab kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwii fuliyay Duqeymahan.

Xalay ayay aheyd markii Deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo lagu bartilmaameedsaday saldhig Shabaabka ay ku lahaayeen deegaankaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO