TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Guddi u saartay Xasuuqii Itoobiya u geysatay Nabadoonada Soomaaliyeed

0

Golaha wasiirda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray dadkii lagu laayay tuulada War-diile ee gobolka Baay.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxa ay magacaabeen gudi ka kooban Wasaaradaha gaashaandhiga, arrimaha gudaha, iyo amniga gudaha si ay iyagoo kaashanayo maamulka koonfur-galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan Xukuumada Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan waxa ay deegaanka War-diile oo Qiyaastii 30-KM ujirta magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ay ku dileen ku dhowaad 15 ruux oo isugu jiray Culumaa’udiin, Odayaal iyo Dad shacab ah.

Qaar ka mid ah Ehelada dadkii la dilay iyo sidoo kale Waxgaradka deegaanka ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen in arintan ay baaritaan ku sameyso, sidoo kalena talaabo deg deg ah laga qaado ciidanka AMISOM ee dhacdadan geystay.

HALKAAN KA DHAGEYSO