TOOS ULA SOCCO+SAWIRRO:- Munaasabad Balaaran oo lagu caleemo saarayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka socota Magaalada Beledweyne

0

Magaalada Beledweyne waxaa saakay kasocdo munaasabad aad ubalaaran taas oo lagu caleemasaarayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Waxaa caleemasaarka Ugaaska uu ka dhacayaa gudaha Garoonka Kubada Cagta ee Beledweyne kaas oo hada ay kusugan yihiin dad farabadan.

Waxaana ka qeyb galaya masuuliyiin katirsan Xukuumada Soomaaliya ugaasyo kala yimid qeeyba badan oo gudaha dalkaa, musharixiin utaagan xilka madax tiinimada dalka soomaaliya.

Waxaana siweeyn loo adkeeyay amaanka garoonka ayadoona ay amaanka sugayaan ciidamo aad utira badan oo iskugu jira kuwa nabad ilaalin ciidamada boliiska soomaaliya iyo ciidamada xooga dalka.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17