TOP DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Banaanka soo dhigay Dhib ugu badan oo ay la kulmaan Maamulkooda

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay dhibta ugu badan ku qabaan Dacwadaha la xiriira dhulalka.

Guddoomiye Jimcaale waxaa uu sheegay in Dhulalka la isku heysto ay inta badan leeyihiin dad dhintay ama dhoofay,waxaana uu sheegay kadibna ay kuwo kale iska qabsadeen.

Dadka dhoofay ayuu sheegay in iyana dhibta qeyb ka yihiin,kuwas oo uu sheegay in dhulal ay mar hore iibsadeen haddana doonayaan in ay dib u iibsadaan.

Maxkamadaha Gobolka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayuu Guddoomiye Yuusuf in ay hadda wajahayaan caqabadda ugu badan ee dhinaca dhulka ah.

Dacwadaha la xiriira dhulka ayaa ku badan Gobolka Banaadir,waxaana Maamulka Gobolka gaar ahaan Guddoomiye Yuusuf markii uu qabtay Gobolka ku dhawaaqay in la joojiyay qaadista Kiisaska dhulka la xiriira inkasta oo dib loo furay mar dambe.