TOP DHAGEYSO:- Maamulka Xudur oo xaqiijiyay in ay Shabaab gacanta ku hayaan Garas weyne

0

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ee ayna hoos timaada deegaanka Garas weyn oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaankaasi.

Aadan Cabdi Maxamed gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii Al-Shabaab kala wareegi laa deegaanka Garas weyne Al-Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay iska baxeen deegaanka Garas weyne ,iyadoo aysan kusoo wargelin maamulka degmada Xudur.

Dhawaan ayey aheyd markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Garas weyne ka dib markii ay iska baxeen ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

HALKAAN KA DHAGEYSO