TOP:- Madaxweyne Gaas oo hore u sheegay in Wiilashiisu qaadi doonaan Koobka Maamul Goboleedyada Muxuu Markaan ku Yiri ?

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Hambalyo u diray xulka Kubada Cagta ee Puntland, oo galabta ku guuleystay Tartanka maamul goboleedyada dalka kadib markii Gool ku laadyo 5 iyo 3 ah ay uga adkaadeen Jubbaland.

Koobkan oo maalmahan ka socday Garoonka Banaadir Stadium ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa iyo 6 kooxood waxaana ugu dambeyn ku guuleysatay Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in kor loo qaadi doono Tayada kubada cagta ee Puntland, sidoo kalena ay guushaan muujinayso in Puntland dhinac kasta ka tahay maamul dhameystiran.

Dabaal-dagayo waa weyn ayaa ka socda magaalada Garoowe, waxaana shacabka Puntland ay ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen kooxda Puntland.