TOP NEWS:- Dagaal ka dhacay Qoryooleey iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Maleeshiyaad Burcad ah oo la sheegay in ay Dadka dhacaan ayaa ku Dagaalamay Duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Iska hor imaad mudo Kooban soconayay ayaa halkaa ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Hubeysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay ka qabteen Mid kamid ah oo ay Nolosha ku hayaan kuwo kalena ay Dhaawaceen.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Maleeshiyaadka la dagaalamay Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Qoryooley ay ka amar qaataan Nin la yiraado Sheekh Saalax oo Degaanka dhibaato ku haya sida ay sheegeen.