TOP NEWS:- Mooshin laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya

0

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta shir yeeshay in ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in ay mooshin ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaas oo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay xilka uu hayo iyo inuu kal fadhiggii baarlamaanka ka dhigay mid caga jiid ah.

Xildhibaan Cabdiqaadir Dhagga-Cadde oo ka tirsan xildhibaannada maanta shirka ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka maamulka koonfur galbeed in uu wax ka badan sideed bil uusan yeelan wax kal fadhi ah.

Wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed uu ka dhigay baarlamaanka mid fadhiid ah oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay.

Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed uu ku tagri falay awoodaha baarlamaanka isla markaana uu diidan yahay in uu la yeesho wax fadhi ah.