TOP NEWS:- Ururka Iskaashiga Islaamka oo Wadaadka Fatxullhi Guleen ku daray liiska Madow

0

Shirkii 43aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Dalka Sucuudiga ayaa waxaa ay go’aamiyeen in Ururka Gulen ee dalka Turkiga oo uu leeyahay wadaadka lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Afgambiga Turkiga lagu daro liiska madow ama an la aqoonsaneyn kadib markii ay codsatay Dowladda Turkiga.

 

Wasiirrada Arrimaha dibadda Dalalka Muslimka ah eek u jira  OIC,ayaa ka dhacay Magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga,waxaan aay diaarinayaan shir madaxeedka 43aad ee Madaxda dalalka ku jira Ururka.

 

Kooxda Wadaadka Fatxullhi Guleen ayey Dowladda Turkiga ku eedeeysay in uu ka dambeeyay  afgambigii fashilmay ee Dalkaasi ka dhacay 15kii Bishan.

 

Go’aanka dhabta ah ee Ururkaasi loogu darayo liiska Madow waxaa lagu qaadan doonaa Magaalada Tashkent, ee Dalka Uzbekistan Bisha October ee Sanadkan,halkaas oo madaxda OIC  ay ku kulmi doonaan.

 

Arrimaha kale  ee looga hadlay Shirka Wasiirrada arrimaha dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha Falastiin,Qaddiyadda Quddus ee Israel Buuraleyda Golen haystis ee ay Yuhuudda ka heysato Suuriya iyo arrimo kale.

 

Waxaabaha kale  ee looga hadlay waxaa ka mid ahaa in Ururka uu ballaariyo Xafiisyada uu ku leeyahay Dunida Muslimka,sidoo kalena Bulshooyinka Muslimiinta ah eek u nool Philippines iyo Myanmar dib u eegis lagu sameeyo xaaladdooda,kuwaas oo aan heysan dalal rasmi ah sida ay ku doodayaan dalalkaasi.

 

Shirka ayaa lagu in la soo gaba gabeeyo maanta oo Khamiis ah,waxaana laga soo saarayaa war-murtiyeed ku saabsan,waxyaabaha ay isla meel dhigeen Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Dowladaha ku jira OIC.