TOP NEWS:- Xasan Sheekh Maxamuud oo si kulul ugu hadlay Siyaasadda Soomaaliya, guul darona ku tilmaamay

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Wax badan ka qabatay Amniga iyo Dhanka Arrimaha Bulshada balse aysan ku guuleysan in ay Hagaajiso Dhanka Siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xusay in Caqabadda Koowaad ee Soomaaliya hortaala ay tahay Siyaasadda islamarkaana loo baahan yahay in la hormariyo Siyaasadda si waxa dhiman looga Guul gaaro.

“Soomaaliya waxa halkaan dhigay waa Siyaasad Xumo oo waxaa nagala rabaa in aan anagu Hagaajino Siyaasadeena oo aan la imaano qodobo Cad cad,cid noo Hagaajineysa ma leh “ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.