TOP NEWS:- Xildhibaan ka soo jeeda Wajeer oo dalbaday in dib loo furo Xadka Soomaaliya

0

Xildhibaan Cabbaas Sheekh Maxamed oo ka tirsan Xildhibaannada laga soo doorto magaalada Wajeer ayaa Dowladda Kenya ka dalbaday in ay dib u eegis ku sameyso go’aanka lagu xiray Xadka Kenya iyo Soomaaliya.

 

Xildhibaanka ayaa codsaday in la fasaxo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah,waxbarashada iyo in xadka la isaga gudbo caqabad la’aan.

 

Dowladda ayuu u soo jeediyay in halkii ay Sohdinta xiri lahayd sameyso baro lagu qaado Canshuur oo SOhdinta ku taal,halkaas oo uu Dakhli ka soo galo loogana hortago Badeecadaha iyo Hubka sida qarsoodiga ah ku galaya Kenya.

 

Waxaa uu Xildhibaanku,sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan 800KM,kana soo billaabata Lamu ilaa Mandheera.

 

Xildhibaan Cabbaas,waxaa uu sheegay in Malaayiin Shili Kenyaanb ah ay Kenya ka soo gasho Sokorta iyo Dharka looga keeno Soomaaliya,sidaas darteedna ay muhiim tahay in dib loo furo Xadka.

 

Inta badan Dadka Soomaaliyeed eek u jira gudaha Soomaaliya ayaa Dhanka Kenya u doonta Waxbarsho iyo Caafimaad,waxaana ay Kenyaanka iyo Soomaalida dhanka Kenya ka helaan dhinaca Soomaaliya Badeecadaha Sokorta ,Dharka iyo kuwo kale kuwaas oo Waqooyi Bari Kenya marka ay Mombasa uga imanayaan ka qaalisan marka laga gelinayo Dhanka Soomaaliya.