TOP NEWS:- Yuusuf Daba geed oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay go’aan ay gaareen Oday dhaqameedyada Gobolka Hiiraan

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baledweyne ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ahaa in Maamul ka madax banaan Dowladda Soomaaliya ay ka dhisayaan Gobolka Hiiraan.

Yuusuf Axmed Hagar  ayaa sheegay in aysan jirin  cid Maamul ka madax banaan Dowladda Soomaaliya ka dhisi karta Gobolka Hiiraan oo Awood u leh.

“Gobolka Hiiraan Cid ka dhisi karta  Maamul ka madax banaan Dowladda Soomaaliya ma jirto,Dadka Gobolka Hiiraan waxaa ay doonayaan Maamul ay ku mideysan yihiin oo u horseedi kara Guul iyo Barwaaqo”ayuu yuri Yuusuf Danageed.