TOP:- Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo sheegay in sharciga doorashada aan laga gaarin ansixintiisa Baarlamaanka.

0

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in sharciga doorashada ee dalka aan laga gaarin ilaa ay Baarlamaanka ka meel mariyaan waxanaa intaa ku daray in ay ka gudbayaan kalana tashanayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo dalka dibadda ugu maqan ayaa lagu wadaa in uu maanta dalka dib ugu soo laabto,waxaana uu Ra’isalwasaaraha ku dooday in aan laga gaarin aqrinta 1aad,2aad ama 3aad ee Baarlamaaka sidaa darteedna ay Guddoomiye Jawaari isla gorfeynayaan.

Doorashada Soomaaliya ee Bilaha August iyo September ay u muuqato mid dib u dhacday,waxaana la sheegayaa in Bilaha October ilaa December la qaban doono.

Shirka Madasha Wadatashiga ayaa la filayay in uu Bishan julay 20keeda ka furmo Muqdisho,waxaana dib loo dhigay ilaa Bisha August ee Sanadkan.

Ra’isalwasaare Sharma’arke waxaa uu muujiyay in aan waqti badan loo heyn in sharciga doorashada la horgeeyo Baarlamaanka sidaa darteedna ay ka socon doonaan.