TOP:- Wararkii ugu dambeeyay Gedo iyo Duqeymo lala eegtay Al-Shabaab

0

Wararka Saaka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel Cade Ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegayaa in Xaaladu saaka tahay mid deggan kadib dagaal xalay halkaasi ka dhacay.

Ceel cade oo horaantii Sanadkaan lagu xasuusto Askartii Kenyaanka ahaa ee lagu Xasuuqay deegaankaasi waxa hadda ka arimiya Ururka AL Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa waxay xalay Duqeymo cirka ah ka fuliyeen deegaankaasi iyadoona aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka gaaray Shabaabkii la beegsaday.

Bulaleer ayey diyaaraduhu tureen ka hor inta ay gantaalada la dhicin deegaanka Ceel cade sida uu warbaahinta usheegay mid ka mid ah dadka deegaankaasi.

Xerada la weeraray Ee Ceel cade ku taalla waxa ksugnaa Al Shabaab iyadoo khasaaraha gaaray aysan Shacabka xitaa hadii ay ogaadaan ka hadli Karin cabsi ay qabaan awgeed.

Diyaaradaha duqeynta ka geystay Xalay Deegaanka Ceel cade Ee Gobolka Gedo waxa loo maleenayaa inay lahaayeen Dawlada Kenya oo weli ka kaban la’ kudhawaad 300 Askari oo 15-kii Bishii Janaayo sanadkaan 2016 ku weysay Xerada Deegaaka Ceel cade.

Al Shabaab iyagu wax war ah weli kama soo saarin weerarkii xalay lagu ekeeyey fariisinta ay ku lahayeen gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceel Cade.