TOP+SAWIRRO:- Shir lagu dajinayo istiraatiijiyada Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland oo Garoowe ka furmay.

0

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland ka furmay shir wadatashi ah oo looga arinsanayo sidii loo dejiin laha Istaraatijiyada baahinta maareynta khayraadka Dabciiga ah ee Puntland, shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Deegaanka oo kaa shanaysa hay’ada ILO waxaana ka soo qaybgalay madax ka tirsan wasaaradaha bah-wadaagta ah la ah wasaarada Deegaanka, madaxda wasaarada Deegaanka, masuuliyiin ka socotay qaar kamid ah degmooyinka Puntland, masuuliyiinta heer degmo iyo heer gobol ee wasaarada, goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, ardada Jaamacada Garoowe iyo xubno kale.

Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaarada Deegaanka Puntland Liibaan Maxamed Faarax oo bilowgii shirka ka hadlay ayaa sheegey in muhiimada laga leeyahay shirkaan ay tahay in laga arinsado sidii Istaraatijiyad wanaagsan loogu samayn lahaa maamulka Khayraadka Dabaciiga ah ee Puntland, Agaasimuhu wuxuu sheegey in mashruuca JPLG ee lagu hormariyo degmooyinka Puntland uu qayb ka yahay maaraynta Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland isagoona sheegey in shirka laga filayo inay kasoo baxaan arimo waxtar u ah dadka iyo Deegaanka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar oo shirka wada tashiga ah furtay ayaa u mahadcelisay wakiilada Degmooyinka kaladuwan ee Puntland oo qaarkood meelo fog fog uga yimid shirkaan waxayna sheegtay in Wasaaradu ay khuburo la shaqaysa masuuliyiinta shirka ka qaybgalaysa ayna doonayaan in istaraatijiyad wanaagsan loo sameeyo Maareynta Khayraadka Dabiciiga ah iyadoo sheegtay in ay arimo badan oo muhiim u ahaa khayraadkeenu dayacanyihiin loona baahanyahay in la dabaqabto islamarkaasna loo sameeyo tub toosan oo lagu maamulo.

Muna Daahir dhanka kale waxay sheegtay in wasaaradu ay xil wayn iska saartay sidii loo baahin lahaa maamulka khayraadka dabiciiga ah hadana meel fiican ay arintaas marayso, Shirkan ayaa socon doona mudo sadex maalmood ah iyadoo gabagabadiisana laga soo saari doono Tubtii lagu baahin lahaa maaraynta Khayraadka Dabciiga ah ee Puntland.
1 2 3 4 5 6 7 8 9