Uhuru kenyatta oo ugu baaqay Maraykanka iyo Midowga Yurub taageerada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo Midowga Yurub in ay qeyb ka qaataan oo ay ka caawiyaan Soomaaliya sidii ay u dhisi laheyd ciidamadeeda si ay uga hortagaan khatarta amniga ee ay dalka ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay maalintii Jimcaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield oo booqaneyso Kenya.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Mr. Kenyatta iyo Linda Thomas ayaa lagu xusay in Kenya ay ku boorrineyso dalalka uu Mareykanka kamid yahay in ay xoojiyaan dadaalka dhismaha ciidamada booliiska iyo kuwa militariga ee Soomaaliya si ay gacan buuxda ugu qabtaan nabadda dalka.

Linda Thomas-Greenfield oo iyadina kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Mareykanka ka jawaabay dalab uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u gudbiyey Qaramada Midoobey oo ku aaddan in la kordhiyo gargaarka militari ee la siiyo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Mareykanku qaadayo qorshe lagu mideynayo dhammaan dalalka dhinaca militariga ka taageero Soomaaliya si taageeradaas meel la isugu geeyo.

Dowladda Federaalka SOomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dhismaha iyo tayeeynta ciidamada qalabka sida si ay si buuxda ammaanka dalka ula wareegaan marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.