Waa maxay sababta ay Maktabadaha ugu badanyihiin Dalka Czech?

0

Dalka Czech Republic,waxaa u badan Maktabadaha laga aqristo Buugaagta,waxaana la leeyahay meel kasta oo ka mid ah Dalkaas waxaa sida Maqaayadaha looga helayaa Maktabad wax laga aqristo.

Hay’adda Bill and Melinda Gates,ayaa baahisay sahmin ay ku sameysay  sababta ay Maktabadaha ugu badanyihiin Dalkaas ka tirsan Qaaradda Yurub.

Jiilka AMAZON iyo Internet-ka xilligan waxaa ay wax badan ka beddaleen aqriska Buugaagta,waaxana ay arrintani dad badan ka caawisay Iin ay helaan Buugaag badan oo ay iibsadaan ama kireystaan.

Waa nooc Internet-ka dhexdiisa ah,waxaana lagu magacaabaa E-BOOK,waxaad halkaas ka iibsan kartaa ama ka kireysan kartaa Buugaagta.

Dalka Czech waxaa uu leeyahay Maktabado badan,waxaana jirta Shabakad ay leedahay Dowladda oo isku xirta dhamaan Maktabadahaas,waxaana la leeyahay waxaa ay ka badanyihiin Iskuullada laga barto Naxwaha Afka dalkaas,waxaana sahmintan ay muujineysaa in 1,971 ee u dhashay dalkaas Czech ay helayaan ama ku soo aadeysa hal Maktabad,waxaana ay 4 jeer ka badanyihiin inta Dadka Yurubta kale ku soo aadda sidoo kale Mareykanka ayey ka badanyihiin toban jibbaar,waxaana Dalka Mareykanka 19,583kii Qofba ku soo aadda hal Maktabad.

Dowladda ayaa qasab ka dhigtay in laga billaabo Magaalo,Degmo ama Tuulo kasta ay yeeshaan Magtabad,waana sharci aan la jebin Karin.

Sharcigan,waxaa ay Dowladda dhaqan gelisay markii dalkaas  la isku oran jiray Czechoslovakia ee hadda u kala baxay Czech Republic iyo Slovakia Sanadkii 1919kii,markaas oo labada dalba ay ka xoroobeen Boqortooyadii ku hadli jirtay afka Jarmalka ee Austro-Hungarian.

Dowladda ayaa dhiiro gelisay  wax aqriska,waxaana qof kasta oo ka mid ah dadka dalkaas uu iibsadaa Buugaag badan,waxaana cel celis lagu sheegay in Dadka da’doodu tahay 11jirka laga billaabo ay wax aqriyaan,sidaas waxaa Newyork Times u sheegay Agaasimaha guud ee Maktabadaha Qaranka  Czech Republic, Vit Richter.

Sharcigan waxaa ay Dowladda xoojisay burburkii Soviet-ka kadib 1991dii,markaas oo  ay Dowladdu sheegtay in ay miiusaaniyad gaar ah ku bixineyso Maktabadaha buugaagta qaranka Czech Republic.

Dalka ayaa hadda leh wax ku dhaw 6,019 Maktabadood,waxaana Bulshadiisa ay la egtahay 10.52 Milyan oo Qof,taas oo ka dhigeysa in 2dii Kun Dad ku dhow ay ku soo aaddo hal Maktabad.

Dabeecadaha wax aqrinta ayaa ka mid noqday dabeecadaha dadka dalkaas,waxaana dadka qaarkii ay noqonayaan kuwo caajis dareema haddii aysan wax aqrin,92% Dadka dalkaas ayaa ah kuwo aqriya Buugaagta,aadna u iibsada,haddii ay lacag u helaan ama amaahanayaaaba,waxaana ay Maktabadaha dalkaas u dhigmaan sida Goobaha doorashada loo dhigo Sanaadiiqda codbicinta,sida ay sahanka ku sheegtay Bill and Melinda Gates.

Maxaan ka baran karnaa Czech Republic dhanka wax aqrinta?

sideen ku heli karnaa Adduunyada cusub ee AMAZON?

Kaalin intee la eg ayey ka qaadan kartaa wax aqrista dhameynta dhibaatada dalkeenna?