Wada hadalo u biloowday Maamulada Puntland iyo Somalialnd ka dib dagaaladii ka dhacay Sanaag

0

Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa Gobolka Sanaag uga biloowday wada-hadalo lagu Xalinayo Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sanaag ee Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca intaba.

Wada-hadalka ayaa la sheegay in ay Garwadeen ka tahay Dowladda Itoobiya,iyadoo Waxgaradka ay yeesheen Kulankii ugu horeeyay ee ay isku hor fariistaan.

Odayaasha Kunalka yeeshay ayaa isku raacay in Deg Deg loo joojiyo Dirirta islamarkaana la kala qaado Ciidamada Jiida hore isku hor fashiya iyo in la joojiyo Hadalada Xanafta leh ee Warbaahita la isku marinayo.

Dhanka kale Ciidamada Somaliland ayaa iskaga baxay Degaanka Booda-Cade ee Gobolka Sanaag,iyagoo la sheegay in ay u dhaqaaqeen dhinac Xiingalool.

Warka ayaa intaa ku daraya in kabixitaanka Ciidamada Somaliland Degaanka Booda-Cade ay qeyb ka tahay Waawaanta ay Wadaan Odayaasha Labada dhinac.