WAR DEG DEG:- 13- Qof oo Al-Shabaab lala xiriirinaayo oo lagu qabtay Shabeelada Hoose

0

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay deegaano hoostaga dagmada Shalanbood ee gobalka Shabeelada Hoose.

Todobaadyadii la soo soo dhaafay waxaa gobolka Shabeelaha Hoose si dar dar leh u socday howlgallo ay ciidamadu ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada ay dowladu maamusho.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ka warbixiyeen howlgalada ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoosyimaada degmadaasi oo dad lagu soo qab qabtay.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee shalay ilaa xalay laga fuliyay degmada Shalanbood iyo nawaaxigeeda lagu soo qab qabtay ilaa 13 qof, kuwaas oo intooda badan lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab, halka kuwa kalena ay ku kaceen falal liddi ku ah amniga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Taliyuhu intaa raaciyay in dadkaasi la qabtay la horgeyndoono sharciga qofkii dambi lagu waayana la sii deyndoono, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in amaanka degmadaasi uu soo hagaagayay maalmihii dambe.

Shalay waxaa deegaanka Ceel Wareegow iyo sidoo kale degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dagaalamay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo ciidanka dowladda, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.