WAR DEG DEG AH: M/weynayaasha Puntland & Jubbaland oo Muqdisho ku sii jeeda & Ciyaartii oo dib loo dhigey

0

Madaxweynayaasha Dawladda Puntland & Jubbaland ayaa la xaqiijiyey in ay berri gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan Ciyaar xiiso badan oo dhexmari doonta Xulalka labada dhinac.

Warkaan ayaa sheegaysa in ay labada Madaxweyne si wadajir ah u dalbadeen in dib loo dhigo ciyaartan oo xiiso badan, lagana dhigo Talaadada todobaadkan, sida aan ka soo xiganay Xariirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya.

Xariirka Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u sheegay in dib loo-dhigey ciyaartan, oo laga dhigay Talaadada ka dib codsi ay ka heleen Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo codsaday in ay labada dhinac arki doonaan.

Ciyaar xiiso leh ayay noqon doontaa ciyaarta sida tooska ah looga soo tabin doono Garoonka Ciyaaraha ee KOONIS Muqdisho, oo ay Koobka isku haystaan Jubbaland & Puntland.

Kulankan oo ay ku ballansanaayeen Maamul gobolleedyada Jubalabnd iyo Puntland ayaa qorsheysnaaa in la ciyaari maalinta Isniinta 25 July, waxuuna xiriirka sheegay in la ciyaari doono talaadada oo ay taariikhda ku beegan tahay 26 July saacada kulanka la ciyaari doono 3:30 PM.