WAR DEG DEG:- Al Shabaab oo Gowracay Nin Caan Ah+MAGACIISA

0

Al Shabaab ayaa mar kale soo rogaal celiyey gowraca Dadka oo waayahaan dambe ay dadka dhagahooda maqlin hase ahaatee bilo gudaheed ayaa dhowr qof la dilay.

Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Bay wararka laga helayo waxay sheegayaan in halkaasi lagu qoor gooyey Nabadoon Caan ka ahaa deegaanka.

Marxuumka Al Shabaab qoorta ka jareen ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Aadan Cabdullaahi isagoo da’da 45 ilaa 50 Jirka ku jiray.

Waxa lagu Eedeeyey Nabadoonka la gowracay inuu la shaqeyn jiray Maamulka Dawlada Ee Degmada Qansax dheere iyadoo si rasmi ah loo cadeyn inuu wax lug ah kulahaa Dawlada iyo Arimaheeda.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Q/dheere Cabulle Saneey ayaa warbaahinta uxaqiijiyey in Nabadoonkaasi uusan wax shaqo ah la laheyn Dawlada islamarkaana dul iyo dhiig baneysi ka aheyd dilkiisa Ururka Al Shabaab.