WAR DEG DEG:- Al-shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Ciidanka AMISOM ee Degaanka Ceel-jaale

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Xalay Madaafiic ku Garaaceen Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Degaanka Ceel-jaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaanka Ceel-jaale oo 6KM u jira Magaalada Marka ee Xarunta Shabellaha Hoose ayaa waxaa fariisin ku leh Ciidamada AMISOM,waxaana la sheegay in illaa Dhowrb Hoobiye ay Shabaab ku soo Weerareen.

Madaafiicda ka dib ayaa la sheegay in Al-shabaab ay Dagaal toos ah ku soo qaadeen Xerada Ceel-jaale ee Ciidanka AMISOM ay dagan yihiin.

Dagaal Mudo qaatay ayaa halkaa ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM,lamana Oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaas.