WAR DEG DEG:- Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Deegaan muhiim ah iyo Al-Shabaab oo Hada la wareegay

0

Ciidamada Itoobiya ayaa Saaka iskaga baxay Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool oo mudooyinkii ugu dambeeyay halkaa Fariisin ku lahaa.

Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool ayaa ilaa 50-km dhanka Bari ka xiga Magaalada Xudur ee Xarun Gobolledka Bakool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaab ay halkaa la wareegeen ka dib markii Ciidanka Itoobiya ay Faarujiyeen Degaanka.

Sababta Ciidamada Itoobiya ay uga baxeen Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool lama oga illaa hadda