WAR DEG DEG:- Qaban qaabo xoogan oo ka socota Beledweyne,Madaxda dalka oo ku soo qulqulaya iyo Amaanka oo si weyn loo adkeeyay

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa shalay gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maanta ay ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka ayaa saakay si weyn uga socota magaalada Beledweyn, iyadoo magaalada ay weli ku qul qulayaan wafuud isugu jirta siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, Guddoomiyeyaal hore iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la magacaabay Guddi ka shaqeynaya xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas C/raxmaan oo horaantii Bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyne.

Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku soo aadeysa xilli weli uu hakad ku jiro dhismaha shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.