WAR DEG DEG:- Sarkaal sare oo ka tirsanaa Dowlada oo Goordhow lagu dilay Muqdisho iyo cida ka dambeysa dilkiisa oo la ogaaday

0

War baahinta Afka Al Shabaab ku hadashay waxaa goordhow lagu daabacay In shabaab dileen Sargaal ka tirsan Dowlada Somalia.

Sargaalkan ayaa shabaabku waxaa ay sheegeen in ay kyu dileen Dhabarka Dambe ee isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho waxaana darajadiisa ciidan ay heyd Korneel sida ay sheegeen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana durba meesha gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Meydka Sargaalka qaaday.

Al Shabaab waxaa ay sheegeen in dilkan uu yimid ka dib markii Laba Maalin kadib uu qorshe lagu qaarijin rabay Sheikh Yuusuf Ceynte uu ka badbaaday kaas oo gaarigiisa miino lagu qarxiyay.