WAR DEG DEG:- Somaliland oo Dil ku Xukuntay Siddeed Nin oo loo haysto Dilka Taliyihii Booliska Berbera

0

Maxkamadda Ciidamada Ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Dil Toogasho ah ku Xukuntay Siddeed Nin oo loo haysto Dilkii Allaha u naxariistee Taliyihii Qeybta Booliska Magaalada Berbera Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Yuusuf.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Somaliland Yuusuf Faarax Sharmake ayaa Warbaahinta u sheegay in Maanta Dil Toogasho ah lagu Xukumay Siddeeda Nin  loo haysto Kiiska Dilkii Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Taliyihii Booliska Magaalada Berbera islamarkaana ay Qirteen Dambiga sida uu yiri.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in maanta Sidoo kale Siddeed nin oo kale lagu Xukumay Todoba Sano oo Xabsi Ciidan ah,kuwaas oo Sanadkaan Gudihiisa Weerar ku qaaday Tuulada Ceel-garde oo hoostagta Magaalada Berbera.

Dhanka kale Qareenada Difaacayay Raggaan Maanta Xukunka lagu riday ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Xukunka islamarkaana Dadka la xukumay ay ku jiraan Dad rayid ah oo aysan Sharci aheyn in ay Xukunto Maxkamadda Ciidamada.