WAR DEG DEG:- Taliyaha Hay’adda Socdaalka oo la Magacaabay+Magaca Shaqsiga+Hawsha uu soo qabtay

0

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa loo Magacaabay Taliyaha Cusub Ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Gaashaanle Koofi ayaa badalay Taliyihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo si rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA.

Gaashaanle Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa si weyn looga yaqaanaa Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu Xasuusto Shaqooyinkii uu ka qabtay Gobolka Banaadir markii uu ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.