WAR DEG DEG:- Taliyaha NISA oo lagu weeraray Hoygiisa & Warar dheeraad ah oo la helayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday Hooyga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee magaalada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim oo loo yaqaan Aflow.

Weerarka lagu qaaday Hooyga Taliyaha ayaa waxaa loo adeegsaday Bam gacmeedyo kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen dhexbartanka Hooygiisa.

Hooyga la weeraray ee uu degnaa Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxa uu ku yaalla xaafadda Cunaaye, iyadoo xiliga weerarka uu dhacaayay la sheegay in Taliyaha uu xaadir ku ahaa Hooygiisa.

Ciidamada NISA gaar ahaan kuwa ilaalada u aheyd iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ilaa Shan ruux oo lagu tuhmaayo weerarkaasi.

Shanta qof ayaa waxaa la sheegay inay kamid ahaayen laba ruux oo ku dhow dhow Hooyga Taliyaha kuwaasi oo laga shakisanaa baryahaani danbe.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro u badnaa dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Geesta kale, waxaa iminka magaalada Baydhabo ka socda howlgalo lagu raadinaayo maleeshiyaad kale oo looga shakisan yahay weerarka.