WAR DEG DEG:- Tobanaan Ruux oo loo soo xiray Qaraxyo ka dhacay Degmada Baardheere

0

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay howlgallo lagu soo qab qabtay Dad badan oo lagu tuhmayo Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baardheere.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada Baardheere, Salaad Maxamed Cabdi, Turuqeey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay toogteen Nin lagu tuhmay fulinta Qaraxyo Shalay ka dhacay Baardheere.

Taliye Turuqeey ayaa sidoo kale waxuu xusay in howlgallo kala duwan ay sameeyeen Ciidamada Booliska lagu soo xiray tobanaan Ruux oo loo heysto Qaraxyadaasi.

Waxuu qeexay in baaritaano kala duwan ay ku socdaan looga shakisan yahay ka dambeynta Qaraxyadii gil-gilay Magaalada Baardheere.

Shalay aye aheyd markii labo Qarax oo is xig xigtay ay siyaabo kala duwan uga dhaceen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.