WAR DEG DEG:- Xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo warkii ugu Farxada badnaa u sheegay Puntland

0

Cabdisalaan Dhiidhiye oo ah Kabtanka kooxda kubadda ee Puntland ayaa la shaaciyay in uu ciyaari doono kama dambeysta Tartanka maamul goboleedyada dalka oo dhexmari doona kooxaha Puntland iyo Jubbaland.

Maalmahan waxaa baraha bulshada ee Intertetka lagu hadal hayay in ciyaaryahankan uu horey ugu soo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya, sidaasina uusan ugu ciyaari karin kooxda Puntland.

Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ciyaaryahan C/salaan uu kooxdiisa u ciyaari karo maadaama arinta la diidayo ay tahay in ciyaaryahan ka soo ciyaaray Horyaalka Heerka Koowaad uu ka ciyaaro Tartanka maamul goboleedyada.

Kabtanka Puntland ayaa horey uga qeyb galay ciyaaraha gobolada dalka ee sanadki 2010 lagu qabtay magaalada Garoowe isagoo kabtan u ahaa gobolka Sool.

Maalinta Talaadada ah ayuu ka soo muuqan doonaa Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium isagoo xiran calaamada kabtanimada, waxaana ay la ciyaari doonaan xulka Jubbaland.