Wararkii ugu dambeeyay Kumaandooska Soomaaliya iyo Howlgalkii Awdheegle

0

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u Tababaran ee Danab ay Dagaal kula wareegeen Degaankaasi Aw-dheegle oo ay horay u joogeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay in Ciidanka Danab ay Gacanta ku dhigeen Degaankaasi,waxaana ay intaa ku dareen in Dagaal uu Degaanka ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Inkastoo aan weli laheyn Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ayaa waxaa Ciidanka Xoogga ay Gubeen Gaari Homey ah oo Al-shabaab ay leeyihiin sida Saraakiisha aan ka soo xiganay,iyadoo sidoo kale Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay sheegeen in dhankooda uusan jirin wax Khasaaro ah oo Dagaalka ka soo gaaray.

Al-shabaab dhankooda kama hadlin waxa ka jira in Dagaal looga qabsaday Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.