Warbixin la yaab leh oo laga diyaariyay Haweenka Qaadka Iibiya iyo Haweeney sir badan ka sheegtay

0

Caasha Rooble Maxamed;  waa 32jir, kamid tahy haweenka qaadka ku iibiya waddooyinka Muqdisho, waxa ay leedahay (5) caruur ah.

Dumarka qaadka iibiya waxa ay dhib ku qabaan fadhiga muddada dheer ee ay qaadka iibinayaan, taas oo sababta in ay ka maqan yihiin carruurtoodaragga ka qaadka ka deynsada, kadibna meermeeriya, Caasha iyada oo dhibkaas ka hadleysa waxa ay tiri:

“Subaxii 11am,  ayaan bilaaba illa habenkii 12am, nimanka aan qadaka siino waxa ay nagu dhibaan bixinta lacagta, mar waa ku dhegnaa, mar waa naga dhuuntaan, nin miyaad iska celin kartaa? ”.

Safiya  Maxamed Cabdi; waa Hooyo haysata 4 carur ah, waxay kamid tahay haween qaadka ku iibiya Muqdisho, mudo ku dhow 6 sano, ayay ku jirtaa qaad iibinta, waxa ay ka sheegeenaysaa xilliga ay soo shaqa tagto iyo dhibta ay ku qabto iibinta jaadka.

“Subixi 11am, ayaan billaabaa shaqada qaadka, illaa habeenki 10pm,  ayaan iska fadhinaa busta magaalada waa iska jirtaa, ilaah ayaa keenay alxamdulilaah lkn waa iska dhibaato badantahay, dhib ayaa  lagu qabaa, nin ma igu lihid ayuu kuleeyahy!! Nin waa  kula dagaalaa, nin saldhiga ayaad isla tageysaan,  balse waa lagu noolyahy, qaarkood waa isaga deynaa kuwana waan ka helnaa’’

C/llaahi Xasan Maxamed;  waxa uu kamid yahay dadka Muqdisho ku nool, waxa uu ka sheekeenayaa dhibta ay dumarku qaadka iibiyaa ku qabaan so dhicinta nolosha reerahooda,  iyo korinta ubadka .

“Sida aan ognahay muddada uu dalkeenu ku jiro burburka, waxaa jira haween badan oo siyaabo kala duwan u mareeya nolosha.

qoyskooda, haweenka qaadka iibiya ayaana kamid ah, dhibaatooyinka haysta waxa kamid ah iyada oo aad garaneyso inay dumar yihiin, dumarnimada ayaa dhib ku ah shaqada, dhibaatada kale waxa waaye laamiga oo ay dhibaato kala kulmi karaan, marka laga reebo boorka iyo iridka ay fadhiyan  waxaa kaloo laamiga kadhici kara shilal iyo iska hor imaadyo, waxyaabo kale oo dhib ku ah haweenka qaadka iibiya dhibaatooyinka mayara kuwa aansoo sheegay iyo kuwakale oo ku dhici kara haweenkaas ayaa jira’