Wariye Maqaal Qurux badan ka diyaariyay Afgambigii Fashilmay ee Turkiga

0

Markii ugu horreysay ee aan maqlay af-ganbiga ka dhacay Turkiga, waxaan galay isla hadal nafeed oo aan aniguba garan karin waxa uu ahaa. Kahor intaan si dhab ah loo hubsan in af-ganbigii la rabay in lagu tuuro madaxweyne Erdogan uu dhicisoobay, dunida Muslimka waxaa hareeyay walbahaar iyo niyad-jab.

Af-ganbiga laftigiisa ayaa ku filan inuu tooshka ku ifiyo laba sheeko oo ku saabsan qorsheyntiisa iyo sida uu u dhicisoobay.

Balse kahor intaynan isweydiinin sababta uu ku dhacay af-ganbiga iyo waxa fashilyay, waxaa mudan inaynu dib u raacno taxanaha is-baddal siyaasadeed ee ka dhacay dalka Turkiga taniyo dhalashadii dalnimadiisa.

Bishii October, sanadkii 1923-kii, hoggaankii Turkiga waxaa xakamihiisa lagu jideeyey nidaam muddo ay reer Galbeedku soo naasnuujinayeen oo la yiraahdo Calamaaniyah ‘Secularism’ – iyada oo codeynta sir ah madaxweyne loogu magacaabay Mustafa Kamal Attaturk.

Taniyo markaas kaidbna, waxaa xidida loo siibay dhamaan wixii astaanta u ahaa shacaa’irta Islaamka sida mamnuucista hab-labseedka sharciga ah ee haweeneyda Muslimadda ah iyo wixii lamid ah. Waxaa intaas dheer dhamaan wax walba oo ku lahaa dhaqamada Islaamka iyo tiirarkeeda waxaa loo siibay dhidibada. Tusaale ahaan, tukashada salaadaha waxaa la faray Muslimiinta Turkiga inay ku cibaadaystaan afkooda oo aysan ku tukanin af-Carabiga ansaxa u ahaa salaadda. Markii mid kamid ah imaamyadii masaajidda uu salaadda ku xirtay afka Turkiga – isaga oo dhahaya Taanri Ula Dur; wuxuu markii uu ku salaama-naqsaday Yuleydin Malakyarin ku indha-qaaday isaga oo kaligiis ku sugan masjidka oo cidna aysan ku xiranin salaadda. Jeer iyo waagaas oo ku dhow muddo 50-sano ah, sida la sheego ma dhicin in salaad jamaaco la iskugu soo baxo gudaha dalka Turkiga. Waayo qof walba waxaa ku qasbanaatay inuu gurigiisa ku tukado.

In kasta oo ka qiyaas qaadashada sida adag ee dadka Turkigu u waayeen xurriyadooda diimeed loo shumac-dilay, hadana ku dhawaad 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa u shidnaa ileys kale oo ah inay ku tallaabsadaan horumar iyo baraare gaar ahaan kolkii uu Erdogan kusoo biiray saaxada siyaasadda oo ku beegan 1996-kii oo uu guddoomiye gobal ka noqdo magaalada Istanbul.

Erdogan wuxuu dib usoo celiyay doorkii Turkigu ku lahaa dunida sida; iskaashiga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda gaar ahaan caalamka Islaamka.

Wuxuu soo nooleeyey himilada Turkidu ka laheyd inay ka xoroobaan qarqarsiga gumeysiga ka xun ee lagu tun-jilciyay gu’yaal badan. Waloow aan la isla barbar-dhigi karin muuqaalka Turkiga ee maanta iyo midkii shalay;hadana wali waxaa muuqda in nidaamka Alle-diidnimada ah ee Cilmaaniyadda wuxuu muujiyay inuu qalqal-galin karo majaraha siyaasadeed ee dalka Turkiga.

Xisbiga AKP ee madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aqlabiyadda ugu badan ee doorashooyinkii dhacay – taas oo ka dhigneyd in Cilmaamiyiintu aysan muuqan waddo kale oo aan ka aheyn inay ku mintidaan talada awoodeed ee wali ku jirta gacantooda – taliska milatariga.

– Hayeeshe maxaa gaarsiin kara ilaa xad in ka af-ganbiyo madaxweyne Erdogan waqtigan – iyada oo heshiis ay dhawaan wada galeen Turkiga iyo Yuhuudda? – 

Jawaabta su’aashan, malahayga, waxaa laga dhex heli karaa dadaallada aan gaabiska ku jirin ee uu Turkiga ka sameeyey dhinacyada diblomaasiyadda iyo siyaasad furfurnaanta uu la yimid Binali Yildirim, oo ah ra’iisulwasaaraha cusub ee Turkiga, waxay waji-gabax iyo fashilba ku tahay awoodaha galaangalka ku leh qalalaasaha ka socda Bariga Dhexe sida Maraykanka oo aan xiriir aad u sarreeya la laheyn Turkiga.

Docda kalana, kobaca dhaqaalaha ee dalka Turkiga oo – isaga oo ay ku hareersan yihiin dalal ay dagaallo la dageen – uu ku guuleystay inuu sara kaco ayaa ah sababta kale ee loo aaneyn karo af-ganbigan. Waayo haddii xukuumadda Erdogan aysan muujin laheyn dadaalladan, waxaa jid heli lahaa kooxda gabbalkoodu dhacay ee Cilmaaniga ah oo markooda sheegan lahaa is-baddal.

-Shacab dantooda ogaaday-

Indhaha caalamka ayaa waxaa ku dhacayay tiro dad shacab ah oo ku horgudban taangiyada milatariga Turkiga kuwaas oo diidan inuu ridaan madaxweynahooda.

Markii uu Erdogan kasoo degay gegida caalamiga ah Attaturk, halkii laga filayay inay ilaaladiisu noqdaan kuwa isku gadaama, waxaa isku hareereeyey dadkiisa – isaguna wuxuu si cad dunida ugu sheegay in awoodda shacbiga Turkiga ay ka quwad badan tahay midda taangiyada iyo milatariga lagu sido?

Balse inta xukuumadda Turkiga qorshaheeda taxan uu ku imaan doono in taliska xoogga dalka Turkiga uu hoos imaanayo gacanta madaxweynaha, nacabka Cilaamiyiinta ah ee reer Galbeedka ku aragti iyo adduunyo ah, ma noqon doonto wax la qaayibo inay mar kasta isku dayaan qorshayaal madhalays iyo dhicis noqda.

W/D:-  Zakariya Xasan ‘Hiraal’