Wasiir qaloocoow oo ka qeyb galay Shir Caalami ah

0

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashigab Caalamiga Prof. Abdullahi Sheikh Ali (Qalloccow) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha Iskaashiga Horumarinta dhaqaalaha ee Shiinaha iyo dowladaha qaaradda Afrika oo ka dhacay caasimadda Shinaha ee Beyjiin.

Sidoo kale Shirkaas waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo saraakiil Sar sare oo ka socday 53-da dowladood ee Qaraarada Afrika,Waxaana siweyn looga hadlay sidii loo xoojin lahaa is-kaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Dowladaha Africa.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirriika Caalamiga oo Shirkaas Wakiil kaga ah Dowladda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah halkas ku la qaatay Wasiirrada Afrika qaarkood uuna kala hadlay xiriir iskaashi oo saldhig looga dhigayo Qorshaha saddexda sano ee 2017-2019 oo dhowaantan Dowladda Sommaaliyeed ay soo bandhigtay.

Shirka ayaa wax uu daba jogaa shirkii Madaxweynayaasha Dowladaha Africa ee dhawaan ka dhacay dalka Koonfur –Africa kaa soo looga hadlay Africa iyo shiinaha Iskaashiga Dhaqaale ee u Dhaxeeya