wasiirada Caafimadka Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kulmay

0

Wasiirka wasaaradda caafimadka Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Cabdi Nuur ayaa gaaray caasimada wadanka masar ee Qaahira waxaana garoonka diyaaradaha wadankaasi ku soo dhaweeyay dhisgiisa masar.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka caafimadka oo katirsan xukuumamda Soomaaliya ayaa booqasho maalmo qaadandoonta ku tegay dalkaasi Masar iyagoo ka anbaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Ujeedka safarka wasiirka ayaa ah xoojinta xirka iskaashi ee u dhexeya labada dallee uu ka dhaxeeyo xariir soo jiraan ah waxayna iska kaashan doonaan sare u qaadida iyo tabarada wasaarada caafimadka soomaaliya.