Wixii aan ka bartay Muqdisho iyo Ciyaartii Final-ka ee Garoonka Banaadir By Muna Yusuf Sakin

0

Saacadu waxay ahayd 3:00pm galabnimo,waxaan usoo baxay ka qeybgalka finalka cayaaraha maamul goboleedyadda oo isbuucii labaad kasocday magaalada Muqdisho. Waxan si nabad ah kusoo gaaray garoonka ay cayaartu ka dhaceysay ee Stadium Benadir (Garoonka Koonis).

Cayaartoyda ayaa dhameystay hardanka qeybtii koowad ee cayaarta, kadibna galay 15- daqiiqo oo nasasho ah. Xilligaasi ayaa aniga oo socda waxaa afaafka hore ee garoona kula kulmay madaxda sare ee dowlada si ay uga qeyb galaan, una gudoonsiiyaan koobka kooxda ku guuleysata hanashada koobka oo ay isugu soo baxeen Puntland iyo Jubbaland.

Gudaha ayaan usoo galay garoonka, waana markii iigu horeysay ee aan imaado garoonkan gebi ahaantiisaba. Indhaheyga waxay qabtan wax ka duwan wixii aan ka maleysanayey in aan garoonka kula kulmi doono, maxaa yeelay indhaheyga waxay qabteen garoon bilicsan iyo shacab ay ka muuqato inay ku nool yihiin magaalo aan dagaalba ka dhicin in ka badan 50 sano.

Meel la fariisto oo aad sahal ku hesho iska daaye, waxaad waayeysan meel aad cagta dhigto. Waxaana meesha camiray taageerayaal aad ugu faraxsan is-dhexgalka bulshada iyo kalsoonida shacabka ee uusoo celiyey tartankan, waxaana usii dheereed inay ahaayeen taageerayaal la kala safan labada koox ee garoonka dartoos loogu soo daawasho tegay “Jubbaland iyo Puntland”. Waxaana hoosta ka xariiqay in wadadii isku soo dhawaadka iyo wax isla qabsiga Soomaaliyeed inuu dib usoo noqday.

Erayada ku xardhan garoonka ee tilmaamaya u hiilinta nabada iyo farxad kuwada noolaanshaha ayaa kasii dhigay garoonka mid ka qurux badan kuwa aan shaashadaha ka daawado. Taasina waxay sare usii qaaday xiisaha aan imaanshaha garoonka u qabay iyo rajada dalkena ee soo noqotay.

Aniga oo kala garan la’a in aan joogo duni kale iyo in aan Muqdisho oo ah caasimada dalkeena ah joogo, ayaan waxaa usoo gudbay qeyb ay ku badan yihiin taageerayaasha Jubbaland, halkaasi oo ah meel ka yara hooseysa xarunta VIP-da ee madaxda dalka fadhiyeen.

Halkaasi ayaan istaagnay aniga iyo laba gabadhood iyo wiil aanu wada soconay, maxaa yeelay fadhi ma aanan ka helin, waxaasi aheyn dad aan taasi dhib u arag, balse maqsuud ku ah farxada garoonka iyo isku imaatinka Soomaaliyeed, waana marka ay igu soo dhacday murtidii aheyd “Gacal isma ciriiriyo ee istaaga iimaanso”.Maxaase dhacay oo xaalkii baddelay ?

Ixtiraamka wiilasha Soomaaliyeed, gaar ahaan askarta Qaranka u hayaan dumarka Soomaaliyeed ayaa diiday in aan taagnaano, waxaana ay inoo baneeyeen boosas aan salka la helnay, kuwaasi oo aan si wanaagsan uga daawan karno ciyaarta garoonka ka socota iyo guud wixii dhaqdhaqaaq ah ee garoonka ka dhex jira.

QEYBTII LABAAD IYO SIDA XAAL AHAA:

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dib u bilaabatay, mar kale ayey indhaheygu qabteen sawaxanka iyo dhoola ka qosolka shacabka Soomaaliyeed ee garoonka joogay, wax aan ku qiyaasi markii aan garan waayey ayey ila noqotay muuqaalkooda sida “Dhallaan hooyo wada dashay oo maalin ciideed wada jooga”.

Hadba kooxdii wadata kubada ayaa waxaa ay taageerayaashooda bilaabaan qeylo, sacab iyo durbaan lagu laray, taasi oo ay ku muujinayaan dhiirigelinta ay kooxdooda u hayaan si ay halkaasi guuli uga timaado. Waana astaan ii muujisay inay shacabkeena jecel yihiin nabad iyo horumar ka shaqeynta. Ciyaarahana waa furaha koowaad ee labadaasi dariiqo loo mari karo, kadibna waxaa ay la mid noqon lahaayeen dalalka kale ee dhigooda ah.

Arrinta kale ee u baahan in la xuso waa taageerayaasha labada koox iyo dhammaan dadkii kale ee ciyaartaasi usoo daawasho tegay midkasta waxaa uu salaamayaa midka kale, waxaana uuna ugu hambalyeynayaa dadaalka isdhexgal ee ciyaarahan laga helay.

Ciyaartii ayaa waqtiga loogu talagalay oo aheyd 90 daqiiqo kusoo dhamaatay barbaro ah 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo, mar kale ayey sidii kusoo dhamaatay. Waxaana ay noqotay in 120 daqiiqo kadib inay ciyaartii loo gudbiyo rigoorayaal (Gool kulaad) in labada kooxood ka dhex dhigo, taasi oo guushii ku raacday kooxda Puntland, kadib markii ay kusoo afmeertay Puntland 5-3 Jubbaland.

Jubba

Labada kooxood ay ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag iyo xirfad kubadeed oo aad u sareysa, waxaana arrintaasi wada qiray madax iyo shacab intii garoonka ku sugneyd. Puntland waa u qalantay inay koobkaasi hanato, Jubbaland iyagana waa la mid, balse nasiibka ayaa ka dhigay inay calkeedu noqdo kaalinta labaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke ayaa koobkii iyo hadiyadihii kale ee la kala siinayey labada koox halkaasi ku bixiyey. Waxaana ay labada koox ku ammaaneen dadaalkoodii iyo inay halkaasi kasii wadaan ciyaaraha.

Wixii markaasi ka danbeeyey waxaa bilowday sawiro wada gelista ciyaartooyda iyo shacabkii usoo daawasho tegay, waxaana dhinac socday u isugu hambalyeynta koobka iyo howsha kusoo dhamaatay nabada iyo farxada. Tartanka ayaa ahaa mid ay wadajir usoo qabanqaaniyeen wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

MAXAA ANIGA IIGA SOO BAXAY :

Waxaan xaqiiqsaday in magaalada nabadi taal, naxariis iyo kalgaceyl ummadeedna uu alle ina siiyey. Waana nimco alle oo u baahan ka mahadnaq iyo in wadajir lagu ilaashado. Waxaana qofkasta oo innaga mid ah laga doonayaa inuu iska bilaabo dhallinta isbadel cusub, abuuraha wanaaga iyo soo bandhigaha bilicda dalkeena.

Waxaan faalladeyda ku soo afmeeri lahaa maahmaah Soomaaliyeed oo macno weyn inoo wada leh, taasi oo ah “Geedka aad beerato ayaa mirihiisa gurataa”. Taasi oo aan ula jeedo wixii aan dalkeena ka dhigno ayuu noqonayaa, sidaasi darteed aan wadajir u sameyno isku tashi guuleysta iyo dib usoo celinta kaalinteena maqan ee qaranka.

Qoraalkeyga waa dareen ka hadal, waa qareen u noqoshada dalkeyga laga been sheego, waana u qeylo-dhaaminta dadkiisa kasii jeeda, ee aan arag nimcada fadhisa, waana qaboojinta laabteena lagu wareeriyey warka kiisa xun, ee aan loo soo qadimin warka himilada iyo yididiilada leh.

Qalinkii: Muna Yusuf Sakiin
Email: maysahaji143@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.

 

image-26