XOG:- Al Shabaab oo ciidankii ugu badnaa keenay Duleedka Guriceel

0

Ciidan badan oo katirsan Ururka Al Shabaab ayaaa lasoo sheegayaa in lasoo dhoobay Deegaanka War Xoolo oo hoostagta Degmada Guriceel Ee Gobolka Gal gaduud.

Al Shabaab ayaa waxa ay xalay ku hoyden ciidankooda War xoolo taasi oo cabsi ku abuurtay dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameenayaan Ururka Al Shabaab ayaa laga soo sheegayaa War Xoolo iyagoo weerar ku ah Guriceeel iyo dhuuso mareeb oo Ahlusuna waljamaaca ay ka arimiso.

Dhinaca kale Al Shabaab waxa la sheegay inay uyeereen Odayaasha iyo Bulshada War xoolo kuwooda hogaanka ah inkastoo aan la sheegin waxay kawada hadleen.

Ahlusunada kusugan Guriceel iyo Dhuuso mareeb ayaa dhankooda waxay wadaan dhaq dhaqaaqyo meliteri oo ay iskaga difaacayaan Shabaabka duulaanka kuso ah fariisimahooda.