XOG CUSUB:- Jadwal dib loogu dhigayo Doorashada oo villa somalia laga helay

0

Qoraal sir ah oo ay heshay wakaalada warqaad.com ayaa waxa uu muujinayaa inay Madaxtooyadda Villa Somalia isbedel ku samaysay Qorshaha Doorashooyinka Dadban ee Somalia ka dhici lahaa bilaha August iyo September ee sannadkan.

Xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa la dooran doonaa Bisha October, halka xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Cusub la dooran doono Bisha November.

Dukumentiga oo maalmahan dhex wareegayey Villa Somalia ayaa lagu muujiyey in Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono bisha December 12-da ee sannadkan.

Dhinaca kale, Shaxda cusub ee Doorashooyinka ee Villa Somalia lagu diyaariyey ayaan la ogeyn sida ay ugu qanci doono Madaxda Dowlad gobaleedyadda oo dabayaaqadda bishan Kulan ku yeelan doonaan magaalladda Muqdishu.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaan weli kaa hadlin Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka Madaxweynenimadda iyo Mudanayaasha Labada Gole ee Barlamaanka soo socda