XOG:- Odayaal iyo Ganacsato oo Xabsi ugu Jira Al Shabaab (SABABTA)

0

Ururka Al Shabaab ayaa lasoo sheegayaa inay dad badan ku xir xireen deegaanada ay ka arimiyaan Gobolka Gal gaduud taasi oo dadkuna cabsi ku abuurtay.

Dad gaaraya 50 qof ayaa lasoo warinayaa inay xalay ku hoydeen Xabsi ay leeyihin Shabaabka oo ku yaalla Deegaanka Galhareeri Ee Gobolka G/gaduud.

Odayaal iyo Ganacsato ayey iskugu jiraan dadka ay xireen Al Shabaab waxaana xarigooda uu ka dambeeyey dhago adeeg ay sameeyeen kadib amar kasoo baxay Al Shabaab.

Deegaanka Galhareeri Shabaabka kusugan waxay sheegeen in loo baahan yahay suuq ay iyagu sameeyeen in Xoolaha lagu iibiyo hase ahaatee dadka la xiray ayaa diiday sidaana amar diidada xabsiga loogu taxaabay.

Dadka la xiray ayaa badankood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanka Galcad sida ay inoo xaqiijiyeen dad lagu kalsoon yahay islamarkaana galhareeri ay utageen xoolahooda oo Al Shabaab ay kasoo kaxeysteen.