XOG RASMI AH:- Diyaaradda Turkish Airline Maxaa ku qabsaday maanta Garoonka Aadan cadde ? Kala Carar iyo Rakaab la’aan ayay hawada gashay

0

Ilo wareedyo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Markii uu dhacay Qaraxii ugu horeeyay ee labada Qarax ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cade ka mid ahaa ay si deg deg ah uga duushay Garoonka Diyaaradda Caalamiga ah ee Turkish Airline.

Dad badan oo Rakaab ahaa ayaa maanta lagu waday in ay ku safraan Diyaaradaasi Turkish Airline oo ka howlgasha Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Weerar Cul culus oo Qaraxyo ah ayaa saaka waxa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 qof.

Dadkaasi dhintay ayaa badi ahaa Ciidamada Duguf Security oo la shaqeeya Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.