XOG RASMI AH:- Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo xiray dad taageersan Dowlada Soomaaliya+Tirada dadka la xiray+Sababta

0

Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku xiray Magaalada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud illaa 6 qof oo isugu jira Ganacsato iyo dadka deegaanka isugu jira.

Xariga dadkaasi ayaa ka dambeysay ka gadaal markii maamulkaasi Ahlusunna Waljamaaca ay kaga shakiyeen in wada shaqeyn ay kala dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana abaabul dowladda Soomaaliya lagu taageerayo ay ka wadeen deegaanada maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna uu ka arrimiyo.

Mid ka mid ah waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xariga dadkaasi.

“ Ololo ay ku taageerayaan dowladda Federaalka in ay wadeen ayey ku tuhmeen , Xabsigooda Dhuusamareeb ayeyna dhigeen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo Shabelle u warramay.

Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca oo xarun ay u tahay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageersan maamulka Galmudug oo si KMG ugu shaqeeya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.