XOG RASMI AH:- Madaxweyne Gaas iyo Beesha uu ka soo jeedo Cabdi samad Gallan oo wada hadal isku soo hor fariisan doona Maanta

0

Waxaa maanta magaalada Garowe ka bilaabanaya kulan balaaran ee u dhexeeya Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo guddi garaaya 16 xubnood oo ka socda beesha Cali Saleebaan kaasoo dhexdhexadainayaan culimada Puntland.

Wada xaajoodkana ayaa lagu balan sanyahay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe, mana cadda cidda ku welisa dhexdhexaadintaan u dhexeeya xukuumada iyo beesha-ba.

Guddiga ka socda Cali Saleebaan ayaa wararku sheegayaan in aysan wehelin siyaasiyiinta iyo isimada beeshaan balse ay ka kooban yihiin nabadoono laga soo xuley qaybaha kala duwan ee qabiiladaan.

Kulankaan oo garwadeen ay ka ahaayeen culimada Puntland ayaa dib u dhacey ilaa bisha 27 July,2016 kadib markii Madaxweynaha ka cududaratey balantii aheyd inuusan Imaan karin 14 July,2016.

Talaabada cabashada beesha ayaa timid kadib markii Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri ciidamo uu wato oo ka tirsan beeshiisa soo galeen Degmada Carmo oo ka tirsan gobolka Barri.

Xukuumada Puntland ayaa ku sheegtey gudoomiyah ciidamadiisa xiriir la leeyihiin burcad badeed iyo ururada xag jirka ah halka beeshiisu aaminsan tahay inuu tarjumeyso talaabadaan cabasho qabiilada Cali Saleebaan ka qabaan xukuumada Madaxweyne Gaas.