XOG RASMI AH:- Maxaa ka cusub Al-Shabaab ku sii Jeeda Guri Ceel iyo Dhuuse mareeb ?

0

Kooxda Alshabaab ayaa ciidankii ugu badnaa soo dul dhigtay deegaanka war-xoolo oo hoos yimaada degmada guri Ceel ee Gobolka Galguduud, waxaana wararku sheegayaan in ciidamo aad u hubaysan ay ka kooban yihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay xalay ciidankoodu ku hoydeen duleedka warxoolo, waxaana ay la shireen saaka Odayaasha deegaanka, iyadoona waxa ay kawada hadleen aysan jirin cid si rasmi ah u og.

Ahlusuna ayaa dhaqdhaqaaq ciidan o u muuqda isdifaacid ka bilaabay Guriceel iyo dhuusomareeb, waxaana ciidankoda saaka la isugu geeyay xeryo magaalooyinkaas ku yaal.

Ahlusuna ayaa horay isaga difaacday Kooxda Alshabaab ee Alqaacido gacan saarka la leh, waxaana muuqata hada inay mar kale dagaalo kasoo cusboonaanayaan hadii Kooxda Alshabaab ay qaado tallaabo dagaal.