XOG RASMI AH:- Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Faroole oo hal arrin ka codsaday Taliska AMISOM

0

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiiyay inay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed  iyo Madaxweynihii Puntland, C/raxmaan Sheekh MaxamED Faroole  si kala gaar ah codsiyo ugu direen Taliska AMISOM, si ay Ciiddanka AMISOM ka taageeraan dhinaca Ammaanka.

Labada Mas’uul oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxtinimadda ee dabayaaqada sannadkan ka dhici doonta Somalia ayaa ka codsaday Taliska AMISOM inay ka taageeraan dhinaca Ammaanka muddada ay Ololaha Doorashadooda ka wadaan magaalladda Muqdisho ilaa laga gaarayo maalinta ay Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda u codeyn doonaan Musharaxa u qalma Xilka Madaxweynaha Somalia ee afarta sanno ee soo socota.

Madaxweynihii hore ee Puntland waxa uu Codsigiisa ku xusay inuu doonayo inay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa isaga Ilaalada u ah iska kaashadaan Sugidda Ammaankiisa muddada Doorashadda ee uu ku sugan yahay Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Axmed ayaa la sheegay inuu dhowr dhismo ka kireysatay agagaarka KMG, halkaasi oo u noqon doonta Hoyga iyo Xarunta Khaaska u ah Ololihiisa Doorashadda soo socota.

Dhinaca kale, Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyey inay Musharaxiintaasi  codsadeen in laga taageero Sugida Ammaanka, waxayna xuseen inay ka baaraan degayaan Codsiyadaasi.

Taliska AMISOM waxay hoosta ka xariiqeen inay mudnaanta kowoaad siinayaan Madaxweynayaasha la qiimeeyo ee horey soo maray Hoggaaminta dalka Somalia iyo Musharixiinta kale ee Miisaanka Siyaaseed leh.

Khalkhalka ay muujinayaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimadda Somalia ayaa ku soo beegmayso iyadoo cabsi laga qabo inay Xarakadda Alshabaab carqaladeeyaan Nidaamka Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda iyo Cod-bixinteeda