XOG RASMI:- Beesha Habargidir ma laga yaabaa inay ka Qanacdo Madaxweyne Xasan Sheekh Maadaama uu Xil weyn u magacaabay ?

0

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa loo magacaabay G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (koofi), sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo lagu kalsoonyahay.

Ninkaan ayaa horay wuxuu u soo noqday Taliyaha Nabad Sugida Gobalka Banaadir, wuxuuna haatan sidoo kale uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hay’adaan.

Wararka ayaa sheegaya magacaabistaan inay ka danbaysay ka dib markii Beesha Habargidir iyo Madaxweynaha uu soo kala dhexgalay qilaaf aad u wayn kaas oo ka danbeeyay ka dib markii Beeshaan ay wayday xilka taliyaha Nabadsigida Qaranka oo ay raadinaysay.

Lama oga Magacaabistaan inay soo afmeeri doonto qilaafkii u dhaxeeyay Beesha Habargidir iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar hoose ayaa horay u sheegayay in qilaafka u dhaxeeyay labada dhinac uu meel sare gaaray asaga oo keenay in Beeshaan ay go’aan adag ka qaadato Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalana ay isku xumaadaan madaxweynaha iyo saaxiibadiisa Habargidir oo ay ka midyihiin Cabdikariin Guuleed madaxweynaha Galmudug iyo Cabdirixmaan Odowaa oo ah wasiirka arimaha gudaha.