XOG RASMI:- Dowlada Xasan Sheekh oo Gacanteeda ay soo gashay lacagtii ugu badneyd ee dowlada Soomaaliyeed ay hesho tan iyo xornimadii dalka..WAA IMISA ?

0

Siyaasiga Soomaaliyeed Jibriil Ibraahin Cabdulle ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ee hadda xilligeedu sii dhamaanayo ay gacanteeda soo gashay lacagtii ugu badneyd ee dowlada Soomaaliyeed ay hesho tan iyo xornimadii dalka.

“Dowlada Soomaaliyeed waxaa gacanteeda soo gashay lacag gaareysa afar bilyan iyo bar dollarka Maraykanka ah 2014-2016, waana lacagtii ugu badneyd oo dowlad Soomaaliyeed magaceeda lagu bixiyay dowladana waxa ay sheegtaa inaysan soo gaarin lacagtaas,”ayuu yiri Jibriil Ibraahin.

Mar uu ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay  in dalka Soomaaliya mudadii u dhexeysay 2014-2016 ay soo gashay gacanta dowlada lacag gaareysa afar bilyan iyo bar oo dollarka Maraykanka ah.

Siyaasigan ayaa dowlada waxa uu ku eedeeyay inay sameysay dhaqaale curyaamin isagoo sheegay inay dowlada  u abuurin shacabka shaqooyin ay noloshooda ku deberaan.

“Shan kun oo shaqaale ka ahaa dekeda Muqdisho iyo toddobo boqol oo baabuur ayaa shaqadii laga joojiyay taasna waxaa ku waayay nolol dad ka badan afartan kun oo ruux.”ayuu yiri Jibriil.

Siyaasiga soomaaliyeed Jibriil Ibraahin Cabdulle ayaa ku tilmaamay afartii sano ee la soo dhaafay in ummada Soomaaliyeed ay u ahayd dib u dhac weyn, iyadoo ummadana ay rajo weyn ka qabtay in laga gudbo dhibaatadii ay soo mareen labaatankii sano ee ka horeeyay sanadkii 2012kii.

Jibriil Ibraahin Cabdulle oo wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinta dalka ayaa ka hadlay rajadii laga qabay dowladii rasmiga ahayd ee la wareegtay xilka bartamihii sanadkii 2012kii; “Afartii sano ee la soo dhaafay rajo weyn ayaa shacabka soomaaliyeed uu ka sugayay dowladii dhalatay iyagoo muddo dhowr iyo labaatan sano ah ka soo daashay dhibaato iyo dagaalo sokeeye mana dhicin isbedelkii laga rajaynayay in dalka uu ku yimaado.”

Siyaasiga Jibriil oo 15kii sano ee la soo dhaafay si weyn ugaga dhex muuqday arrimaha xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta deegaanada ay colaadaha ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta dalka oo uusan magacaabin in ay ku jiraan shaqsiyaad dhaqaalihii dalka boobay.

“Shaqsiyaad aan ogahay markii ay xilka qabanayeen inaysan haysan dhaqaale ayaa hadda waxa ay ku xisaabtamayaan malaayiin dollar oo ah lacagtii ummadda ay lahayd.”ayuu yiri Jibriil oo ka hadlayay musuqmaasuq uu sheegay in uu ka jiro dalka gaar ahaan afartii sano ee la soo dhaafay.

Jibriil Ibraahin ayaa waxa uu sheegay in xoriyada iyo calanka ummada Soomaaliyeed uu mugdi galay dalkana kalsooni darro ay ka jirto maamulka dalkana ay koox yar ku soo koobantay.

“Soomaaliya waxa ay joogtaa hadda meel ka liidata bishii September 2012kii waayo qaranimadii iyo xoriyadii ummadda Soomaaliyeed,talada dalkana waxaa bixiya dad ajnabi ah madaxdii qarankana iyagaa maalin walba khilaaf ka dhex bixi la’”ayuu yiri Jibriil Ibraahin Cabdulle.

Siyaasiga Jibriil Ibraahin Cabdulle ayaa aad u dhaliilay qaabka wax ku qeybsiga 4.5 waxana uu ku eedeeyay maamulka dalka ka jira inay si ulakac ah ay qaabkaas ay u sii dheereeyeen, hase yeeshee waxa uu rajo ka muujiyay in afarta sano ee soo socota ay lamid tahay mid loogaga gudbi karo 25kii sano ee la soo dhaafay hogaaan cusubna la doorto.

Isagoo ka hadlayay siyaasigan fikirkiisa ku aadan doorashada soo socota ayaa walwal waxa uu ka muujiyay in dadka haya hogaanka dalka ay u isticmaalaan dhaqaale ay dalka ka lunsadeen inay ku iibsadaan doorashada.

“Haddii kooxdii dalka ku tumatay afartii sano ee la soo dhaafay, ku takri fashay qaranimadii Soomaaliyeed burburiyay hantidii ummada lunsatay ayna yiraahdaan hantidaas ayaan ku gadanaynaa xildhibaanka waxaa taasi ka dhalan karta in qaranamida Soomaaliyeed ay burburto,”ayuu yiri Jibriil Ibraahin.

Jibriil oo ka hadlayay hogaamiyaha uu dalka Soomaaliya u baahan yahay ayaa ku tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay hogaamiye ku sifeysan afar xaaladood.

“Hoggaanka dalka uu u baahan yahay waa inuu noqdo hogaamiye Caadil ah,aan doonayn dhaqaale uu urursado,ka fekera meel fog,dalka kala jajabayna isku tolo isla markaana xiriir wanaagsan la samaysan kara dalalka caalamka ”ayuu yiri Jibriil Ibraahin.

Siyaasigan oo wax laga weydiiyay fikirkiisa ku aadan xildhibaanada cusub ee dhowaan la dooranayo ayaa sheegay in la heli karo muwaadiniin Soomaaliyeed oo nadiif ah uuna rajo weyn ka qabo in 275 xildhibaan in ay noqdaan kuwo nadiif ah isla markaana aqoon leh ayna doortaan qof wanaagsan oo Soomaali ah karti uu dalka ku hogaamiyana leh.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka aqoonta leh inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dalka loona baahan yahay in dadka dhaliisha leh in aan lagu aaminin dalka markale.”ayuu yiri Jibriil Ibraahin Cabdulle.

Siyaasiga Jibriil Ibraahin Cabdulle oo wararka qaar ay sheegayaan in uu qorsheynayo inuu ka mid noqdo musharixiinta madaxtinimada 2016 ayaa ka gaabsaday balse waxa uu sheegay in xaalada dalka aysan ahayn mid lagu daawado sida uu yahay hadda.