XOG XASAASI AH:- Beesha Caalamka oo diiday qorshe cusub oo ku wajahan doorashada Soomaaliya.

0

Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ayaa si adag u diiday qorshe ay soo jeediyeen Guddiga Doorashooyinka Dad-ban ee Soomaaliya & Madaxda dawladda Faderaalka, taas oo ku aadan in waqtiga doorashadu uusan suuragal aheyn oo lagu daro mudo kororsi ka yimaada Hay’addaha dawliga ah ee dawladda Faderaalka.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in la qabto doorashada waqtigii loogu talo-galey, aysana jirin wax mudo kororsi ah, maadaama ay waqtiga oo dhan ay horey u dayaceen Madaxda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraal loo diray Madaxda dawladda Faderaalka ayaa sheegaya in Doorashada baarlamaanka Soomaaliya, ay dhici karto waqtigeeda oo aan waxba dibu dhac ah lagu sameynin.

In Baarlamaanka hadda jiraa la kala diro waxaa lagu sheegay in ay tahay wadiiqada rasmiga ah ee lagu gaari karo hanaan dhameystiran oo doorasho.

Shirka Madasha Wadatashiga ee hadda furmaya ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in ay ka soo baxaan go’aamo adag oo masiiri ah, kuwaas oo si gaar ah u taabanaya arrimaha muhiimka ah ee doorashada dalka.

In aan waxba xadgudub ah lagu sameyn Jadwalkii Baydhabo lagu gaaray ayaa kamid ah qodobada lagu sheegay go’aamada Beesha Caalamka, iyadoo laga durkayo wax kasta oo dibu dhac u keeni kara Hanaanka doorashada Soomaalida oo la qorsheeyey in ay dhacaan dhamaadka sannadkan.