XOG XASAASI AH:- Dhaqaalaha lagu afgambin rabay Turkiga oo laga helay Soomaaliya, Maxay ka og tahay Dowlada ?

0

Ex Xildhibaan Maxamuud Maxamed Weekiyo oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay halka uu ka yimid dhaqaalihii ugu badnaa ee lagu sameeyay Afgambigii fashilmay ee la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Erdogan.

Mudane Weekiyo ayaa xusay in dhaqaalaha ugu badan ee Afgambigaas suura galiyay in ay isku dayaan Milatariga Turkey laga helay Shacabka Soomaaliyeed .

Dhinaca kale Ex Xildhibaan Weekiyo ayaa ka soo horjeestay go’aanka Dowladda Turkey ay ku aqoonsatay Baasaboor la sheegay in uu leeyahay maamulka Soomaaliland oo la mid ah maamul Goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay mid yihiin islamarkaana aysan jirin meel ay ku kala qeybsamaan.

Hadalka Xildhibaan Maxamud Maxamed Weekiyo ayaa ku soo  beegmaya maalin kadib markii ay dalka isaga huleeleen Howlwadeenadii Hay’adda Nile Organization ee ka howlgalayay Muqdisho.