XOG XASAASI AH: Maxaa ka soo baxay Shir gaar ah oo dhexmaray M/weynaha iyo RW dawladda Faderaalka?

0

Wararka la helaayo ayaa lagu ogaaday in uu jiray labadii habeen ee lasoo dhaafay shirar gaar ah oo u dhaxeeyey Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo diirada lagu saaray arrimaha Siyaasada, Amaana & Doorashooyinka sanadkan laga filayo Soomaaliya.

Madaxweynaha & Ra’iisulwasaaraha oo uusan wanaagsaneyn xariirkooda wada shaqeyneyd ayaa ka wada hadlay dibu dhac laga yaabo in uu ku yimaado hanaanka xulida xubnaha labada Aqal ee dawladda Faderaalka iyo Jadwalkii doorashada oo guud ahaantiis dib u dhacaya.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha in uu ka gaabiyey arrimaha doorashada, gaar ahaana sidii loo dardargalin lahaa guddiga doorashada oo aan wali dhameystiran Xeerarka doorashada & Xeer hoosaadyada dhinacyada dawlad gobaleedyadu yeelan doonaan.

Madaxweynaha ayaa u sheegay RW Sharmaake in la gaaray waqtigii ay Xukuumaddiisu dhaqaajin lahayd arrimaha la xariira hanaanka doorashada, iyadoo hadda gobalada oo dhan lasoo kormeerayo guddiyada Heer dawlad gobaleed ee doorashadan qaabilsan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan Madaxweynaha dawladda faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake tan iyo markii uu soo dhamaaday shirkii madasha Wadatashiga ee magaalada Baydhabo, ayaa ahaa mid xasaasi ah.

Warar ku dhaw dhaw shirkan ayaa sheegay in qodobada qaarkood heshiis laga gaaray, laakiin arrimaha Maaliyada laga sugayo beesha Caalamku ay dhalisey dood xoog leh, gaar ahaana ciidda ay tahay in ay dabagal ku sameyso.