XOG+SAWIRO CADEYN AH:- Fadeexad weyn oo soo wajahday Kooxda Puntland

0

Kooxda kubada cagta Puntland ee ka qeyb galaysa tartanka maamul goboleedyada dalka oo ka socda magaaladan Muqdisho iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa soo wajahay fadeexad weyn oo ka dhalatay mid ka mid ah ciyaartoydan kooxdan oo muran badan uu ka taagan yahay.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa Xeer lagu maamulo u sameeyey ciyaaraha maamul Goboleedyada waxaana ka mid ahaa qodobada xeerkan inaysan safan karin tartankan Ciyaartoyda u safta ama horeyba ugu soo saftay kooxaha Heerka 1-aad ee dalka iyo Xulka Qaranka.

Qodobkan ayaa sababay in Ciyaartoy badan ay fursad u heli waayaan inay u ciyaaraan gobolada ay ka soo jeedaan, waxayna dantu ku qasabtay iney ciyaarahan daawdayaal ka noqdaan.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa la ogaaday in Ciyaaryahan Cabdi Salaan Dhiidhiye oo ah Kabtanka Kooxda Puntland uu u soo saftay xulka qaranka Soomaaliya sanadkii 2009, kaasoo dalka Uganda uga qayb galay ciyaarihii Bariga & Bartamaha Afrika taasoo fadeexad weyn haatan ku noqotay xiriirka kubada cagta.

Masuuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegay iney baarayaan arintan, hase ahaatee bahda isboortiga ayaa isweydiinaya sida xiriirku ku aqoonsan waayey ciyaartoy heer qaran soo ciyaaray, waxayna dad badan ka shaki qabaan in masuuliyiinta xiriirka qaarkood ay wax ka ogaayeen arintan.

Kooxda Puntland ee fadeexadu ay ku soo baxday ayaa Jimcaha ciyaarta finalka ee tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka waxay fooda isku dari doonaan kooxda Jubaland, waxayna ka dhici doonta garoonka kubada cagta ee Konis Istadyum.

1 2